Wabiga Shabelle Oo Laga Baqayo Inuu Ku Fataho Degmada Jowhar

Cabsi xooggan ayaa soo wajahday shacabka ku dhaqan degmada Jowhar ee gobalka Shabellaha Dhexe, taasi oo ku aadan in fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.

Shacab aad u badan oo kaashanaya maamulka gobalka Shabellaha Dhexe, ayaa degmada Jowhar iyo deegaanada kale ee ku dhaw waxay ka biilaabeen inay dhigaan difacyo carro tuur ah, si aanu wabiga ugu soo fatahin.

Wariyaha Goobjoog Fm ee degmada Jowhar Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in degmada Jowhar uu ka socdo dadalallo aanay shacabka iyo maamulka intaba u kala harin.

Sanadkii hore ayaa fatahaad waxaa sameeyay wabiga Shabellaha, waxaana uu baabi’iyay dalag beereed badan oo sabab u noqotay in hoos u dhac ku yimaado wax soosaarkii Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW