U bood dhigaalka

Wada Hadalka Mooshinka Laga Keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Billaabanaya

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maanta oo ay ku beegan tahay Sabti 10 October 2015-ka uu si rasmi ah u billaaban doono wada hadalka ku saabsan mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay gudoomiye Jawaari in kulankaan uu ka furmayo xarunta Villa Hargeysa 11-ka Barqanimo ee maanta, isaga oo ka codsaday xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha in ay kulankaasi kasoo wada qeybgalaan.

“Waxaan ku wargelinayaa dhammaan Xildhibaannada ah saxiixayaasha Mooshinkii 12-ka August 2015 loo soo gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka in ay berrito kasoo qaybgalaan wada hadalka oo ka billaaban doona Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa 11:00ka Barqanimo” ayuu yiri gudoomiyaha.

Todobaadkii aynu kasoo gudubnay ayuu kulankaasi qabsoomi waayay, ka dib markii guddoonka uu sheegay in shirka uu u baaqday arrimo ku saabsan Ra’iisul wasaaraha oo safar ku maqanaa.

Dhanka kale Xildhibaanada mooshinka wada qaarkood ayaa horay u sheegay in aysan shirkaasi ka qeybgali doonin, ka dib markii ay guddoonka baarlamaanka ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay sharcigii golaha shacabka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News