U bood dhigaalka

Wada Hadalladii u Dhaxeeyay Dowladda Federaalka Iyo Somaliland Oo Dib u Billaabanaya

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan dib u billaaban doono wada hadalkii ay kula jirtay maamulka Somaliland.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhawaan wada hadalku uu dib u billaabanayo, laguna raadinayo midnimada umadda Soomaaliyeed,

Waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee laga hadli doono ay ka mid yihiin arrinta ku saabsan wada qeybsiga maamulka maaliyadda, wada shaqeynta maxkamadaha, iyo fulinta shuruucda dalka loo dejiyay in lagu dhaqmo.

“Run ahaantii wada hadallada dib ayay u billaabmi doonaan, markii 60-ka la isku darsamay waxa ay ahayd mid ku billowday qaab wanaagsan, marka runtii waxa ay u baahantahay in wada hadalka uu noqdo mid mar kale la’isku keeno Soomaali weyn, oo aysan noqon mid lagu kala taga” ayuu yiri Mudane Carte

Bishii March 3-deedii sandkaan 2015 ayaa shir ay magaalada Istanbul ku lahaayeen dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland fashil ku dhamaaday, ka dib markii xubnaha matalayay Somaliland ay diideen in shirkaasi ay ka qeybgalaan wasiiro ka mid ah dowladda Federaalka oo ay sheegeen in ay kasoo jeedaan deegaanada maamulka Somaliland ka arrimiyo.

Goobjoog News