U bood dhigaalka

Wadada Makka Al-mukarrama Oo Saaka Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, taasi oo halbowle u ah isku socodka magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda ayaa la arkayaa iyaga oo taagan dhammaan jidadka soo gala wadadaasi, gaadiidkana halkaasi ka celinaya, waxaana wadadu ay ka xiran tahay Isgoyska KM-4 illaa iyo Isgosyska Sayidka.

Waxaa wadada si lug ah loogu ogol yahay oo kaliya dadka shacabka ah, balse gaadiidka ma mari karo.

Lama oga illaa iyo haatan sababta ka dambeysa in la xiro wadadaasi, hase ahaatee waxay shacabka qaar arrintaan u barteen xilliyada dalka madax imaanayso, baxayaan ama shirar muhiim ah magaalada ay ka jiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News