U bood dhigaalka

Wadahadaladii Beijing Iyo Washington Oo Fashil Ku Soo Dhamaaday

Sheeko:Amniga

Khamiistii laso dhaafay Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay wadahadalladii ​​ugu horreeyay ee heer sare ah oo uu la yeesho saraakiisha taliska Shiinaha.

Hase ahaate labada dhinac ayaa Camera-daha hortooda muddo saacad ah waxa si fool ka fool ah udhexmaray tacshiirad deplomasiyadeed oo an waxba lasykula harin.

Wafdiga shiinaha waxa horkacayay Yang Jiechi Oo diplomaasiga ugu sareeya xisbiga shuuciga shiinaha ahna agaasimaha golaha dhaxe ee siyaasadda arimaha dibadda shinaha waxa kaloo qayb ka ahaa wasiirka arimaha dibadda ee china Wang Yi.

Dhanka washington, hoghayaha arimaha dibadda maraykanka antony Blinken iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa horboodayay wada hadalladan heerkoodu sarreeyo.

Xoghaye Blinken ayaa diblomaasiga ugu sarreeya xisbiga Shuuciga ee Shiinaha Yang Jiechi iyo wasiirka arrimaha dibedda Wang Yi waxa uu hortooda ka tibaaxay walaaca maraykanku ka qabo ficilada shiinaha waxa uun ku eedeyay Beijing in ay “xasuuq” u geysatay Muslimiinta Uyghur, sido kale Hong Kong iyo Taiwan, marka lagu daro weerarada Elektaroonikada “cyber attack” ee ka dhan ah Mareykanka iyo cadaadis dhaqaale oo shiinuhu ku hayo xulafada maraykanka.

Diplomaasiga sare ee shinaha yang jechi ayaa dhankiisa sheegay in maraykanku uusan matalin aduunka ee uu matalo “naftiisa” oo kali ah, sidaas darteedna aysan suura gal ahayn in shiinuhu uu kala hadlo washington siyaasadiisa caalamiga ah.

Mar kale ayuuse Blinken waxa uu ku adkaystay isagoo daba socda hadalka sarkaalka shiiinaha kasoo yeeray in dawladaha dariska la ah shiinaha ay u sheegeen ku qanacsaantooda in ay xulafeystaan maraykanka iyo in Tokyo iyo Seoul (japan iyo kuuriyada koonfureed) ay u caddeyeen maamulka biden walaacooda ku aadan dhaqanka xisbiga shuuciga shiinaha.

Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa isna waxa uu furitaanka kulanka ku nuux nuuxsaday in Mareykanku uusan raadineynin “khilaaf” Shiinaha uu la galo, laakiin ay diyaat uyihiin tartan adag oo ay la galaan, isagoo intaa ku daray, in Marwalba ay udagaalameyaan mabaadi’da dadkooda iyo saaxiibadood.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa sheegtay in diplomaasiga shiinaha ee Jiechi uu usheegay saraakiisha amerikaanka intii ay socdeen wadahadaladii ay la yeesheen inay ka tanaasulaan maskaxdii Dagaalkii Qaboobaa”, sarkaalka Shiinaha ahna wuxuu ku hanjabay inuu qaadi doono “tallaabooyin adag” oo ka dhan ah “faragelinta Mareykanka”.

Inkastoo Wadahadalada aysan aysan miradhalin oo aysan dhinacyadu muujin wax tanaasul ah, hadana Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Zhao Lijian ayaa ku tilmaamay wadahadallada inay aheyeen “wadahadal istiraatiijiyadeed oo heer sare ah.

” Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wariyeyaasha in kulankaan uu yahay dooda ugu horeysa ee lagu fahmayo danaha, ujeedka iyo ahmiyada labada dal”.

Magaalada ugu weyn gobolka alaska ee Anchorage ee ku taal badweynta Baasifigga waxaa loo doortay in ay marti galiso 3 kalfadhi oo dhaadheer oo socday a ilaa subaxnimada Jimcaha.