U bood dhigaalka

Wada hadallo Garoowe maanta uga furmaya Ra’iisal wasaare Cabdiweli iyo Gaas

Sheeko:Dalka
RW Cabdiweli Sheekh oo gacan qaadaya masuuliyiin ka tirsan Puntland, xuquuqda sawirka:puntlandpost.net
RW Cabdiweli Sheekh oo gacan qaadaya masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garoowe ay kulan ku yeeshaan madaxwaynaha maamulka Puntland iyo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shalay booqasho ku tagay Garoowe.

Kulanka Gaas iyo Cabdiweli Sheekh uga furmaya Garoowe ayaa la filayaa in uu qaato muddo saddex cisho ah kaas oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin shidaal qodista, Federaalka iyo deeqaha gargaarka oo ay hesho dowladda Federaalka.

Ammaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa maanta oo Sabti ah si wayn loo adkeeyay waxaana lagu wadaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa in ay ku sii sugnaadaan magaalada Garoowe maalmaha soo socda.

Puntland ayaa kol hore ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii dowladda ay shaacisay in maamul gobolee loo dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.