U bood dhigaalka

Wadahadalo Aan Caadi Ahayn oo Turkiga Oga Furmey Dowladda Federaalka iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

heshiis Somaliland iyo SoomaaliyaDalka Turkiga waxaa isugu tagay wufuud ka kala socota maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana halkaasi lagu wadaa in wadahadalo ay oga biloowdaan.

Wadahalada oo aanan ahayn kuwa caadi ah ayaa waxa ay ka dambeyeen kadib markii safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Hargeysa, si uu u dardar galiyo wadahadalada oo muddo hakad galay.

Waftiga dowladda federaalka waxaa hogaaminaya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah la taliyaha madaxweynaha, horeyna u ahaa wasiirkii arrimaha gudaha markii labilaabayay wadahadalada.

Somaliland waxaa ka socda wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis.

Labo jeer oo hore ayay wadahadalada ku qabsoomeen dalka Turkiga iyada oo la gaaray isku soo dhawaansho badan, balse wali arrimihii muhiimka ahaa horumar badan lagama samaynin.

Goobjoog News