U bood dhigaalka

Wadahadalo Garoowe oga Socda Dowladda Federaalka iyo Maamul Puntland

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada magaalada Garoowe ka soconaya wadahadalo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland oo isagu tabasha ka qaba dowladda federaalka , tanina waxa ay imanaysaa kadib markii uu halkaasi gaaray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid.

Wararka ay Goobjoog ayaa sheegaya in wadahadala ay u badanyihiin sidii loo xalin lahaa cabashada Puntland ay ka qabto xuduudaha maamulka Galmudug, guddiyada madaxa banaan ee la ansixiyey, iyo waliba arrinta ku saabsan dastuurka qabyada ah.

Waxaa wadahadalada qeyb ka ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu kusii sugnaa Garoowe.

War kasoo baxay labada dhinac ee wadahadlaya ayaa lagu sheegey in la rajaynayo in la dhameeyo waxyaabaha madmadoowga ah ee u dhaxeeya.

Ra’isulwasaaraha ayaa horey usii maray magaalada Cadaado halkaasi oo uu kula kulmey madaxda cusub ee la doorto ee Galmudug, kalana hadlay arrimaha ay Puntland tabanayso.

Goobjoog News