U bood dhigaalka

Wadamada Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya oo kala saxiixdey heshiis biyo xireen ah

Sheeko:Dalka

wabiga DawaMashruuc balaaran oo biyo xireen ah iyo waliba qeybsiga biyaha wabiga Dawa ee maraya xuduuda sedexda dalka ay wadaagaan ayaa lagu saxiixay magaalada Nairobi sida uu maanta faafiyey wargeyska Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.

Shir maalmo ka socdey Sarova Panafric hotel ee Nairobi oo ay soo qabanqaabisey IGAD kana socdey IGAD ayaa ugu dambeyntii qalinka lagu duugey heshiis wali faahfaahintiisa rasmiga ah aysan soo shaac bixin.

Barasaabka degmada Mandera ee Kenya Cali Roba ayaa sheegey in heshiiska uu yahay mid lagu qeybsanayo biyaha wabiga, loogana faa;iideysano si buu yiri wax looga qabto abaarta soo noqnoqata.

Waxaa la sameeyey guddi isku dhaf ah oo sedexda dal leeyihiin kaasi oo ka shaqayn doona sidii mashruucaasi loo meelmarin lahaa.

Waa markii ugu horeysey oo sedexda dal ku heshiiyaan qeybsiga biyaha.

Wabiga Dawa ayaa ah wabi ku biyo keena xiliga oo kaliya, biyo xireenkana waxaa la doonayo in lagu keydiyo biyaha uu wabiga wado.

Goobjoog News