U bood dhigaalka

Wadamada warshadaha ku horumaray ee G20 oo dhimaya qarashka ku baxa lacagaha la xawilo

Sheeko:Dalka

Dowladda Australia ayaa sheegtey in ay wado qorshe ay  ku hordhigeyso shirka wadamada warshadaha ku horumaray in la dhimo qarashka ku baxa lacagaha xawaaladaha la mariyo ee dadka muhaajiriinta u diraan dalalkii ay ka imaadeen, sida Soomaaliya oo kale.

Shirkani oo ka dhacaya magaalada Brisbane ee dalka Australia ayaa waxa uu qorshaha yahay in laga ansixiyo in qarashka lacagaha lagu xawilo laga dhigo boqolkiiba 5, halka hadda sharciga uu dhigayo boqolkiiba 10, iyada oo marar badan ay dadka ku gaarto boqolkiiba 20.

Qorshaha ayaa waxaa gadaal ka riixaya Ra’isulwasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi , wuxuuna doonayaa in dadka tirada badan ee Hindida ee Australia ku nool ee Hindiya lacagaha usoo dira in qarashka laga dhimo.

Arrintani ayaa waxaa caqabad ku noqon kara talaabooyin ay dhawaanahan bangiyada dalkaasi shaaciyeen oo ahaa in ay xirayaan akoonada xawaaladaha Soomaalida iyaga oo ka baqdin qaba sharciga xaga amniga ah oo dhigaya in bangiyada iska hubiyaan qofka ay gaarayso lacagta, si aanan falal dambiyeedyo loogu geysanin.

Sida ay qabto gabadha ah madaxa hey’adda Oxfam Helen Szoke , dadka Soomaalida ee ku nool Austaralia ay sanad kasta Soomaaliya u diraan lacag dhan $10 malyuun oo doolar.

 Goobjoog News