U bood dhigaalka

Wadatashiyadii ugu dambeyay ee dhismaha xukuumadda oo socda

Sheeko:Amniga

Waxaa heer gabagab ah maraya wadahaladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada ayaa wada wadatashiyo ku aaddan xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso todobaadkaan gudahiisa.

Xamsa Cabdi Barre oo ay horay uga dhamaatay mudadii xeer hoostaadka golaha shacabka xaqqa u siinayay in ra’iisulwasaaraha uu ku soo magaacabo xukuumaddiisa, ayaa hadda haysta 4 maalin kadib markii loogu daray 10 cisho oo dheeri ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre ayaa ku jira hadda kulamadii lagu ugu dambeeyay ee lagu soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee la waregeysa talada dalka.

Afarta maalin ee soo socota ayaa lagu wadaa in ra’iisulwasaaraha uu ku soo magacaabo xukuumad la wareegta talada si looga baxo xilgaarsiinta.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo la qaatay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo uu kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen xukuumadda cusub.

Goobjoog News