U bood dhigaalka

Wadayaal Gaadiid Iyo Shacab Dhibaato Ku Qaba Isticmaalka Wadada Wadnaha Ee Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla dhowr goobood oo gaadiidka shacabka laga raaco, kuwaasi oo loo yaqaano Boosteejo, waxaana jira dhib ay qabaan wadayaasha gaadiidka iyo shacabka gaadiidkaasi raaca.

Goobjoog News, ayaa si ayaa u kuur gashay xaaladda wadada Wadanaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo burbur xoogani laga dareemayo.

Farxaan Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah dhallinyarada Wax ka barata mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxa badanna ku socda wadada Wadanaha ee magaalada Muqdisho ayaan weydiinnay dhibta uu ku qabo isticmaalka wadadaasi.

“Dhibaato ayaan ku qabnaa waayo mararka qaar waxaan Ka daahaa jaamacada waxaana mararka qaar isku dhacnaa wadayaasha Gaadiidka oo waxaa bur bursan wadada Wadnaha oo aan xilli walbo Isticmaalo”

Marista xaafadaha iyo meello aan loogu tala gelin in ay adeegsadaan Gawaarida dadweynaha ayaa sababtay shilal badan in dhacaan.

Cabdiraxmaan yuusuf waxa uu kamid yahay darwalada kaxeeya Gaadiidka dadweynaha ee ka howlgala Wadada Wadnaha waxa uu ka sheegeenayaa dhibaatada ay wadadaan ku qabaan isaga oo sheegaya in ay bixiyaan lacag canshuurta ee dowladdu qaado.

“Waxaan ka shaqeynaa Wadada wadnaha oo bur-bursan waxaan marnaa xaafadaha ka ak dhaw laamiga, mararka qaar waxaa dadka ay naga xirtaan xaafadaha aan mareenno waxaan dowladda ka dalbaneynaa in ay noo hagaajiso wadada ama ay Booyadaha biyaha Dhuuqa ay noo soo dirto” ayuu yiri Darwal Cabdiraxmaan Yuusuf.

Cabdi yare waa inan Da’yar ah misane kaxeey Gaari nuuca Soomaalida u taqaano Caasi ama Hoomey, waxaana la kulmay xili uu jiifay qeebta dambe ee gaarigiisa misane uu baakin yaallay waxa uu ii sheegay in dhibaato ku qabaan marka laga soo tago burburka wadada uu ka shaqeeyo ay u sii dheer tahay dhibaatooyin mararka qaar ay kala kulmaan rag ku labisan dharka ciidmada dowlada.

“Waxaan ku qabnaa dhibaato aad u badan marka laga soo tago adeegsiga wadada oo waxaa bixinaa lacago Canshuur ah iyada oo ay inoo sii dheer tahay lacago kale oo ay naga qaadaan ciidamo ku labisan dharka ciidmada dowlada Soomaliya, waxaan qarka u saarannahay in aan joojinno shaqada, waayo waxaa ay dowladda mararka qaar naga celisaa adeegsiga wadada Makka Al-mukarrama”

dowadaha Hormaray ee dunida waxa dalkooda ku dhistaan canshuurta ay ka qaadaaan muwaadiniitooda iyo mushaar ay iska jiraan madaxada dalka Hogaamisa marka la eego madaxdeena ayaanan jirin hal mas’uul oo mushaakiisa u hibeeyay in lagu dhiso Hal wado oo ka mid ah caasimadda haba yaraatee, iyada oo ay madaxdu sugaan duul aan Soomaali ahayn oo u dhisa dalkood.

Dagmooyinka ka tirsan Gobalka Banaadir, waxa ka billawday qaadista canshuurta guryaha oo uu Gudoomiyihii Hore Gobalka Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu ku sheegay in ay ku dhisayaan wadooyin muhiim u ah caasimadda.

Muungaab ayaa sheegay in qarashka kasoo xarooda canshuurtaasi lagu dhisayo oo kaliya wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Dadka badanaa adeegsada wadooyinka burbursan ee ay dowladda ka sugayaan in dowladda ay u sameyso dib u dhis wadooyin ka qaar ee magaalada maadaama wadada kaliya ee ka dhisan caasimada ay tahay wadada Makka Al-mukarrama oo qudheedu markii roob da’o biyo badan galaan.

IMG_9745 IMG_9756 IMG_9757 IMG_9760 IMG_9761 IMG_9764 IMG_9768 IMG_9773 IMG_9778 IMG_9781 IMG_9783 IMG_9801 IMG_9809 IMG_9814 IMG_9817 IMG_9827 IMG_9830 IMG_9834 IMG_9837 IMG_9841 IMG_9843 IMG_9847 IMG_9854 IMG_9859

W/D:- Ibraahim Xaaji Yuusuf