U bood dhigaalka

Wadayaasha mootooyinka Muqdisho oo welwel ka muujiyay amarro la dul dhigay

Sheeko:Dalka
Mooto Bajaaj
Mooto Bajaaj

Qaar  ka mid ah  wadayaasha mootooyinka yar yare ee loo yaqaano Bajaajta ayaa  sheegay in ay aad  uga  xunyihiin war ka soo baxay taliska ciidamada wadooyinka gobolka Banaadir kaas oo sheegayay in   tallaabo adag laga qaadayo wadayaasha  mootooyinkaasi.

Waxa ay sheegeen wadayaashani in hadalkaasi ay u arkaan mid u horseeda  hakinta shaqo maalmeedkooda oo ay ku maareeyaan  noloshooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ka dalbadeen in  ay u istaagto wax ka qabashada  go’aankan ka soo baxay wadayaasha mootooyinka Bajaajta.

Taliyaha ciidamada Taraafikada Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in mootooyinka ay sabab u yihiin shilalka ugu badan ee ka dhaca gudaha Muqdisho isla markaana  ay amaro cusub ka soo saari doonaan dhowaan.