Waddanka Colombia Oo Ay Ku Dhufteen Fatahaado Khasaaro Geestay

Waddanka Colombia waxaa ka dhacay fatahaado ay dad ku dhinteen,waxaana soo dumay guryo badan oo ku yaallo Koofur galbeed ee waddankaasi dadka dhintay ayaa waxay gaarayaan 206 qof, halka kuwa kalana ay soo gaareen dhaawacyo sidoo kale waxaa lagu weysanyahay fatahaadaha dhacay boqolaal kale oo qof.

Roobab aad u faro badan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay waddanka Colombia ayaa waxay sababbeen fatahaado, kuwaas oo keenay in guryaha ku yaallo gobolka Putumayo ay qariso dhuubo.

Hay’adda laan qeyrta cas ayaa waxay ku qiyaastay dadka ay wax soo gaareen ku dhawaad inay yihiin 202 qof, halka ay gaarayaan dadka la weysanyahay 220 kale.

Madaxweynaha waddanak Colombia Juan Manuel Santos ayaa booqday goobta ay ka dhacday musiibada, isagoo amray in goobta lagu daaadiyo ciidamo sidoo kale waxa uu soo rogay xaalad deg deg ah.

Sarreeye gaas oo ka tirsan ciidamada booliska ayaa waxa uu sheegay in ay dhibaatooyin ay ka jiraan boqolkiiba 80 wadooyinka isagoo tilmaamay in fatahaaduhu ay majo xaabiyeen buundooyinka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW