U bood dhigaalka

Waddo Laami ah oo Dhismaheeda La Dhagax Dhigey

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Xuseen Muungaabayaa maanta dhagaxdhigey waddo laami ah oo laga dhisayo magaalada Muqdisho kadib burbur xooggan oo kasoo gaaray dagaaladii sokeeye.

Wadadan la dhagax dhigey ayaa ah inta u dhaxaysa iskuulkii 15-ka May illaa isgoyska Xararyaale, waxayna dhantahay masaafo dhan 1.5 km.

Guddoomiyaha Banaadir oo hadlay ayaa yiri “Wadadan waa Waddo Muhim ah oo halbowle u ah bulshadda Xamar dagan, iyada ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo laami Casri ah oo noqoneysa hal mitir iyo bar, shirkadda dhisayso waxaan leeyahay laamiga waaa in uu ahaado mid sax ah oo si wanaagsan loo dhisay”.

Horey maamulka gobolka Banaadir waxa uu sidan oo kale uga qeybqaatay dhismaha waddooyin burbursanaa, sida wadada koowaad ee Bakaaraha.

Goobjoog News