U bood dhigaalka

Waddooyinka Degmada Afgooye Oo Lagu Billaabay Dayactir

Sheeko:Dalka

Maamulka demada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay billaabeen dayactir lagu sameynayo dhammaan wadooyinka ugu muhiimsan ee degmadaasi.

Cumar Maxamed Muuse oo ah xoghayaha maamulka degmada Afgooye oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda dib u habeyn ay ku billaabeen wado aad u weyn oo dhex marta degmadaasi, taasi oo meelo badan ka burbursan sidoo kalena ay dhex yaallaan biyo wasaqeysan.

Waxa uu sheegay in hadda ay ka qaadayaan qashinka dhex yaalla wadada islamarkaana sidoo kale ay ku shubi doonaan Carro Kaawo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Carro kaawo ayaan ku bilawnay, marka hore qashinka ayaa laga qaadayaa, waxaa lagu shubaa Carro Gaduud, kadibna Carro Kaawo ayaan ku shubeynaa, waddo ay gaadiidka isku dhaafaan ayeey noqoneysaa, sidoo kale shacabka dhibka wadada ay ku qabaan ayeey ka baxayaan” ayuu yiri Xoghayaha.

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday dib u habeynta waddooyinka degmadaasi oo shacabka ay cabasho ka muujiyeen ka dib burbur wadooyinkaasi soo gaaray.

Goobjoog News