U bood dhigaalka

Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo la nadiifinayo xiliga habeenkii ah

Sheeko:Dalka

Shaqaalaha nadaaafadda dowladda Hoose ee caasimadda ayaa markii ugu horeysey bilaabay in ay nadiifiyaaan waddooyinka magaalada Muqdisho xiliga habeenkii ah, waxayna tani imanaysaa iyada oo dhawaanahan walwal laga muujinayay nadaafad xumo weyn oo ka jirtey wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Shaqaalaha oo xiran dareeska gaarka ah ee dowladda hoose ayaa la arkayay iyaga oo xalay saqdhexe nadiifinaya laga soo bilaabo Kiilo Mitir Eber wadada Maka Al Mukarama illaa Soobe.

Sida uu Radio Goobjoog u sheegey Injineer Yuusuf Calasoow oo ah isku xiraha mashruuca mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul, barnaamijkani nadaafadda waxaa gacan ka geystey dowladda Turkiga, waxaana loogu talogalay in wajiga hore lagu nadiifiyo waddooyinka laaamiga la saaray, islamarkaasina leerarka leh ee magaalada.

Shaqaalaha ayaa waxa ay xaaqayeen wadada dusheeda iyo hareeraheeda, iyagoo qaadayay qashinka iyo ciidda tuban meesha, waxayna Radio Goobjoog u sheegeen in shaqada xiliga habeenkii ah ay u fududahay maadaamaa aysan caqabad kala kulmeynin gaadiidka iyo dadka tirada badan ee wadooyinka isticmaalaya.

Waxa kale oo ay sheegeen in maalintii ay jirto cadceed aad u kulul balse habeenkii ay shaqayn karaan saacado dhaadheer maadaamaa uusan kuleel jirin.

Injineer Yuusuf wuxuu sheegey in ka sokoow in arrintani ay soo celineyso bilicda magaalada in sidoo kale ay tahay arrin ka qeybqaadanaysa karaamada iyo sumcadda dadka maadaamaa dalkoodii iyagoo nadiif ah ay dariiqyada marayaan, kana cabsi qabin in ciid ay kusoo bido.

Wuxuu kale oo uu sheegey in ay qorsheynayaan hawlo kale sida samaynta darjiinooyin ay dadka ku nastaan, hagaajinta waddooyinka burbursan, iyo sidii wadooyinka aanan leerarka lahayn loo galin lahaa.

Shaqaalihii nadaafadda ee aan kula kulanay agagaarka Hotel Saxafi iyaga oo dariiqa xaaqaya ayaa Radio Goobjoog u sheegey in ay rajaynayaan in dadka muwaadhiniinta ah ay dalkooda wax u qabtaan, kana illaaaliyaan qashinka iyo wasaqda.

Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa dadka shacabka ah ka rajaynaysa in marka sidan oo kale waddooyinka loo xaaqo in iyaguna aysan qashinka ku daadin dariiqyada, taasi badalkeedana meelaha loogu talogalay ay qashinka dhigaan si u dhacdo wadashaqayn dowladda iyo shacabka.

Goobjoog.com