U bood dhigaalka

Waddooyinka Muhiimka ah Ee Caasimadda Oo Saaka Xiran

Sheeko:Amniga

Waxaa Saaka xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo Jidadka qaar ciidamadu ay diidayaan in ay isticmaalan Gawaarida dadweynaha .

Waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda ayaa xalay la soo dhigay ciidama ka tirsan kuwa dowladda kuwaas oo illa Maanta diidan in ay dadka isticmaalan Waddooyinka loogu kala goosho Xaafadaha Magaalada.

Jidadka xiran saakay ayaa waxa ka mid ah Waddooyinka soo gala Makka Al-mukarama, Tarabuunka , Digfeer , Bakaaraha iyo Waddooyin ka tirsan Xaafadda Madiina.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada goobaha qaar ay diidayan isku socodka dadka.

Xaaladda Magaalada ayaa Maanta ah mid kacsan , iyadoo la filayo in Ciidama taabacsan Mucaaradka ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho kuwaas oo la sheegay in ay ka imaanayaan Gobalka Shabeellaha Dhexe.