U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho oo Mar Kale Xiran iyo Dadka oo Lugeynaya

Sheeko:Amniga

Wararka aan ku heleyno qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ay xiran yihiin qeybo ka tirsan jidadka magaalada Muqdisho.

Dadka oo isugu jira shaqaale, ardey iyo dhammaan yar iyo weyba dan kasta oo ay leeyihiin ayaa lagu qasbay iney lugeeyaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in loo xiray imaanshiyaha ay Xamar iman-doonaan madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Deni.

Labada nin ayaa lagu wadaa iney Farmaajo kala hadlaan arrimaha doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3.

Goobjoog News