U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran

Sheeko:Amniga

Maanta oo Isniin ah waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo aanu jirin gaari dadweyne oo waddooyinka xiran maraya.

Ciidamada ammaanka ayaa taagan waddooyinka, islamarkaana celinaya gaadiidka dadweynaha, una sheegaya in wadadu xiran tahay.

Dhammaan waddooyinka soo gala Wadada Makka Al-mukarrama ayaa ah kuwo si adag loo xiray, iyadoo shacabka ay cagta maalayaan.

Sababta maanta loo xirey waddooyinka ayaa ah, Xuska 14 October oo lagu qabanayo bartamaha Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in madax sare oo DFS iyo shacab badan halkaasi isugu yimaadaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News