U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka gebi ahaanba xiran waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu arkayo ciidamada dowaldda oo gaadiidka iyo dadweynaha u diidaya in ay adeegsadaan waddooyinka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ay ka dhacdo munaasibadda caleemasaarka madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafuud kala duwan oo ka socota dalalka deriska iyo kuwa caalamka ayaa magaalada ku sugan, iyagoo u yimid in ay qayb ka noqdaan munaasibadda caleemasaarka madaxweynaha.

Ciidamada dowladda ayaa waddooyinka qaar shacabka ka celinaya, iyagoo ku argelinaya in aanay adeegsan karin waddooyinkaas.

Sikastaba xalay ayay ahayd markii qaybo kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho laga maqlay jugta tira hoobiyayaal ah oo xalay magaalada lagu soo garaacay.

Goobjoog News