U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo aanay jirin gaadiid shacab oo waddooyinkaasi isticmaalaya.

Ammaanka magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyey, maadaama uu maanta imaanaya madaxeynaha wadanka Eritrea.

Inkastoo dadka ay ku tashadeen xirista waddooyinka, hadane waxaa jira dad ka baaqan karin shaqooyinkooda maalin laha ah iyo sidoo kale ardayda Jaamacadaha, waxaana la arkayaa iyaga oo lugeynaya.

Waxaa ammaanka magaalada sugaya ciidamada Booliiska iyo kuwa xoogga dalka, gaar ahaan ilaalada Villa Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News