U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Saakay Xiran

Sheeko:Dalka

Saakay waxaa xiran waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, kuwaasi oo lagu arkayo ciidamo badan oo taagan waddooyinkaasi.

Wadada dheer ee kasoo baxda garoonka Aadan Cadde, Km-4, Tarabuunka, wasaaradda gaashaandhigga ee jidka warshadaha iyo waddooyin kale ayaa lagu arkayaa ciidamo Milatari ah oo gaadiidka halkaasi u diidaya.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay aaska maanta magaalada Muqdisho loogu sameyn doono Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar oo dhawaan magaalada Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaa la arkayaa gaadiidka dadweynaha oo maraya waddooyin qardo jeex ah, iyadoo meelaha qaar laga soo celinayo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ah maanta mid aad loo adkeeyay, waxaana lagu wadaa in aaska marxuum Samatar ay ka qeybgalaan madaxda sare ee dowladda Federaalka ah.

Goobjoog News