U bood dhigaalka

Waddooyinka Qaar Ee Magaalada Muqdisho Oo Saakay Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay xireen inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ku yaalla xilli magaalada uu kusoo wajahan yahay Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdoğan.

Guud ahaan wadada Makka Al-mukarrama, qeybo ka mid ah wadada Wadnaha iyo waddooyin kale oo muhiim ah ayeey ciidanku xireen.

Qaar ka mid ah waddooyinkan waxaa loo diidan yahay inay isticmaalaan shacabka iyo gaadiidka intaba.

Waxaa la arkayaa dad badan oo saakay lugeynaya inkastoo ay Jimco tahay hadane goobaha ganacsiga ee magaalada badi ma furna.

Madax heer caalami ah markii ay imaanayaa magaalada Muqdisho sidan oo kale ayaa loo xiraa inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Goobjoog News