U bood dhigaalka

Waddooyinkii Xirnaa Ee Muqdisho Oo Dib Loo Furay

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay dib u furtay isku gudubka waddooyinka waaweyn ee Wadanaha iyo Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xirnaa Saddexdii maalin ee ugu dambeeyay.

Gaadiidka dadweynaha ayaa ayaa loo ogolaaday iney isku gudbaan waddooyinkan, iyadoo inkastoo weli uu jiro ciriir badan oo dhanka waddooyinka ah.

Waxaa dib u furmay marista gaadiidka dadweynaha ee Isgoysyada Sanca, Jardiinka, Siinaay, Xarar-yaalle, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, KPP, Tarabuunka iyo laamiyo kale oo u dhaxeeya waddooyinka Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama.

Qaar kamid ah shacabkii marayey waddooyinkaan oo aynu la sheekeysannay waxay sheegeen in saakayna kusoo talogaleen iney lugeeyaan si la mid ah maalmihii lasoo dhaafay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aanay hadal waddooyinkaan sababta ay u xirtay.

Goobjoog News