U bood dhigaalka

Wadooyinka Gala Deegaanka Mareerey Ee Sh/hoose Oo La Dayactirayo

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa shaaca ka qaaday in dayactir ay ku sameynayaan dhammaan wadooyinka gala deegaankaasi.

Sayid Mayow oo ah gudoomiyaha Mareerey ayaa inoo sheegay in hadda ay ka billaabeen dib u habeynta wadada isku xirta degmada Afgooye iyo Mareerey.

Dhammaan wadooyinka deegaankaasi gala ayuu sheegay in la sameynayo iyaga oo kaashanaya shacabka iyo ganacsatada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in Beeraleyda ay si gaar ah isku xilqaameen, islamarkaana ay kaalin ka qaadanayaan dib u dhiska wadooyinkaan.

“Maamulka Mareerey iyo beeraleyda ayaa iska kaashanaya dib u dhiska wadooyinkaan, maamulka fulintii ayuu leeyahay, laakiinse beeraleyda ayaa qarashka bixiyay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay ganacsatada gobalka Shabellaha hoose in ay kaalin xooggan ka qaataan dib u habeynta wadooyinkaan oo shacabka oo dhan dani ugu jirto.

Dib u dayactirka lagu sameynayo wadooyinka gala deegaanka Mareerey ee Shabellaha Hoose ayaa imaanaya xilli wadooyinka qaar ay jareen daadadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay Shabellaha Hoose.

Goobjoog News