U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Puntland oo kormeer ku tagay Deegaanka Bixin ee Duleedka Garoowe

Sheeko:War

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay guddoonka Baarlamaanka Puntaland Axmed Cali Xaashi iyo ย wasiirka arrimaha gudaha maamulka Axmed Cilmi Cismaan ayaa Khamiistii gaaray deegaanka Bixin ee ku yaalla duleedka magaalada Garoowe .

Socdaalka wafdiga ayaa salka ku hayay kormeer iyo indha indheyn lagu sameynayay wixii ka fulay go’aan ay ย Puntland ka qaadatay Bixin oo ahaa inaan la deegaameyn Karin isla markaana uu yahay dhul daaqsimeed, dadka u dhexeeya.

Bixin ayaa dad shacab ah la siiyay si ay u deegaameeyaan una dhistaan, laakiin taa waxaa ka biyo diiday dadkii deegaanka oo ay u cuntami weyday maadaama u ahaa dhul daaqsimeed muhiim u ah noloshooda, waxaana arrinkaa ka dhashay colaad iyo xiisad aad u daran.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo goobta hadalka ka jeediyay ayaa sheegay in howshu sidii la rabay u socoto isla markaana go’aankii ay xukuumaddu u fulisay sidii la rabay, dhamaan calaamadihii dhulbixinta ee deegaankana la baneeyay, wax yar oo ka harsanna ay u egtahay in la dhameys tirayo.

Bixin ayaa waxaa Puntland ka soo saartay 6 Marso go’aan ah inaan laga dhigi Karin deegaan isla markaana uu yahay dhul daaqsimeed.

Goobjoog News