U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Puntland oo kormeer ku tagay Deegaanka Bixin ee Duleedka Garoowe

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay guddoonka Baarlamaanka Puntaland Axmed Cali Xaashi iyo  wasiirka arrimaha gudaha maamulka Axmed Cilmi Cismaan ayaa Khamiistii gaaray deegaanka Bixin ee ku yaalla duleedka magaalada Garoowe .

Socdaalka wafdiga ayaa salka ku hayay kormeer iyo indha indheyn lagu sameynayay wixii ka fulay go’aan ay  Puntland ka qaadatay Bixin oo ahaa inaan la deegaameyn Karin isla markaana uu yahay dhul daaqsimeed, dadka u dhexeeya.

Bixin ayaa dad shacab ah la siiyay si ay u deegaameeyaan una dhistaan, laakiin taa waxaa ka biyo diiday dadkii deegaanka oo ay u cuntami weyday maadaama u ahaa dhul daaqsimeed muhiim u ah noloshooda, waxaana arrinkaa ka dhashay colaad iyo xiisad aad u daran.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo goobta hadalka ka jeediyay ayaa sheegay in howshu sidii la rabay u socoto isla markaana go’aankii ay xukuumaddu u fulisay sidii la rabay, dhamaan calaamadihii dhulbixinta ee deegaankana la baneeyay, wax yar oo ka harsanna ay u egtahay in la dhameys tirayo.

Bixin ayaa waxaa Puntland ka soo saartay 6 Marso go’aan ah inaan laga dhigi Karin deegaan isla markaana uu yahay dhul daaqsimeed.

Goobjoog News