U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Dowladda Federaalka Oo u Ambabaxay Magaalada Jigjiga Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamreeb Ee Xarunta gobalka Galgaduud waxaa maanta ka baxay wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale waxgarad kuwaasi oo u ambabaxay magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wafdigaan waxaa hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, waxaana ka mid ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Mahada Maxamed Salaad, gudoomiyaha gobalka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo, waxaana qaaday diyaard gaar ah oo Jigiga kasoo kacday.

Nabadoon Seylac oo ka mid ah xubnaha wafdigaan ayaa sheegay in uljeedka safarkaan uu yahay arinta ku aadan dagaalladii ka dhacay xadka gobalkaasi uu la wadaago Itoobiya.

Gudoomiyaha gobalka Galgaduud Xuseen wehliye Cirfo oo isna si kooban saxaafadda ula hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in Odayaashaan iyo mas’uuliyiinta kale ee socota ay madaxda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kala hadli doonaan weerarada ciidamada Liyuu Boolis iyo sida nabadda lagu heli karo.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa casumaadaan u fidiyay xubnahaan, waxaana sidoo kale tani ay qeyb ka tahay balanqaadkii dowladda Federaalka ee ku aadan in wada hadal laga sameyn doono dagaalladaasi.

Deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud, kuna yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dagaallo culus oo ay ku nafwaayeen dad badan oo shacab ah.

Goobjoog News