U bood dhigaalka

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Amniga

Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Feysal Adan oo ay kamid yihiin howlwadeenada wasaarada, Ha’adda UNDP iyo xubno ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyinta wasaarada Caddaaladda oo ugu horeeyo wasiirka wasaaradaas.

Ujeedka socdaalka ayaa ah in meel leysla dhigo qorshaha lagu qabyo tirayo laguna howlgalinayo xabsiga cusub ee laga furi doono magalda Baydhabo.

Goobjoog News