U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Guddiga Doorashada Heer Federaal Oo Gaarey Jowhar

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal Abukaate Cumar Cabdulle Dhagey ayaa maanta gaarey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo markii ay halkaasi tageen loo gudbiyey aqalka madaxtooyada Hirshabelle.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan waxay la qaateen madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka.

Kulankaasi kadib, abukaate dhagey ayaa saxaafadda u sheegay in halkaasi u tageen iney goob joog ka ahaadaan doorashada xubnaha aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Jowhar.

Waxa uu guddoomiye dhagey ku amaaney maamulka Hirshabelle sida ay u muujinayaan dedaalka ah in iyaga oo cusub hadane ay durba billaabaan howlaha doorashooyinka dalka oo midda aqalka sare ugu soo horreyso.

“Waxaa sharaf inoo ah inaan booqasho ku nimaadno xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle si aan uga qeybqaadanno, goob joogna uga noqanno doorashada taariikhiga ah ee xubnaha Hirshabelle u matali lahaa aqalka sare ee baarlamaanka, dowlad goboleedka Hirshabelle oo mar dhow dhalatay in ay markiiba is abaabusho oo geeddi socodka qeybtii ay ku lahayd u diyaar garoobaan oo ay soo saaraan murashaxiintii ka qeybgali lahaa doorashada aqalka sare waa arrin farxad iyo bogaadin mudan” ayuu yiri Guddoomiye dhagey.

Dhinaca kale madaxweynaha Hirshabelle oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin iney ilaaliyaan qoondada Haweenka 30%, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in hadda kuraasta aqalka sare  Labo kamid ah ay u tartamayaan haween oo kaliya.

Goobjoog News