U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Hirshabeelle Oo Mahadaay Gaaray

Sheeko:Dalka

Wafdigani oo ka kooban Xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow gaaray magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasoo ay ka jiraan xaalado dhanka nolosha ah oo adag.

Socdaalka xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay mid ay ugu kuurgalayaan xaaladaha ay dadka shacabka ah ku nool yihiin ee degmadaasi Mahadaay.

Wafdigani xildhibaannada ayaa ka soo baxay isla saaka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka taagan xaalado dhanka nolosha ah oo aad u adag sida raashin yari, biyo la’aan iyo sidoo kale xanuunno ka dillaacay degaannada qaar sida magaalo madaxda Jowhar.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News