U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Gaaray Cadaado

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo ka socday Qaramada Midoobay kuwaasi oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Ulajeedka wafdigan ayaa lagu sheegay inay madaxda Galmudug kala hadlaan arrimaha doorashooyinka heer federal ee dalka dhawaan ka billaambi doonta.

Wafigaan ayaa kulamo ay saxaafadu dib joog ka aheyd la qaatay madaxda sare ee galmudug iyagoo sidoo kale u kuur galay xaaladda amni ee magaalada iyo goobaha ay doorashooyinku ka dhici doonaan.

Gudoomiyaha degmada cadaado C/laahi C/raxmaan Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa faah faahin ka bixiyay kulamada wafdiga ka socda Qaramada Midoobay, waxaana uu sheegay in muhiimaddooda ay ahayd in madaxda Galmudug kala hadlaan arrimaha doorashada.

Sanadkaan 2016 waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacaan doorashooyin dad badan iyadoo diyaar garowgeeda uu socdo.

Goobjoog News