U bood dhigaalka

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Jowhar (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe gaaray wafdi balaaran oo ka socda Qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaa oo soo dhaweyn loo sameeyay.

Wafdigaan ayaa ka kala socda hay’adaha kala ah UN-OCHA, UNICEF, WFP, UN-HABITAT iyo INTERSOS, waxaana hadda kulan ay la leeyihiin maamulka gobalkaasi, waxaana kulankaan uu ka dhacayaa hoyga degmadaasi uu ka degan yahay gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wafdigaan aanay ahayn kuwii ugu horeeyay ee Qaramada Midoobay ka socda misane Jowhar yimaada, waxaana uu sheegay in uljeedka ay u yimaadeen tahay inay indha indheeyaan xaaladaha degmadaasi.

Waxa uu sheegay in ay balanqaadeen dib uga howlgelidda degmadaasi, una yimaadeen sidii arimahaan ay maamulka gobalka Shabeelaha dhexe ay ugala hadli lahaayeen.

Halkaan hoose ka dhageyo Wariyaha Goobjoog Fm, Aadan Xuseen Daa’uud oo warkaan soo diray.

Goobjoog News