U bood dhigaalka

Wafdi ka socda qaramada midoobey oo maanta gaaray degmada Buulo-burte

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda qaramada midoobey ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha tagtay Buulo-burte ayaa ka socday hay’adda UNSOM waxaana hogaaminayay sarkaal lagu magacaabo Philip iyaga oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka maanta wafdigan ay ku gaareen gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax.

Intii ay ku sugnaayeen degmada Buulo-burte waxa ay kormeero ku sameeyeen qaar ka tirsan xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha degmada Buulo-burte.

Waxa ay degmada kula kulmeen maamulka degmada , oday dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta, waxa ayna ka dhageysteen baahida shacabka ay qabaan iyo dhibaatada ka soo gaartay abaaraha iyo dagaalada.

Odayaasha ayaa codsaday in shacabka lala soo gaaro gargaar isla markaana gacan laga geysto furida wadooyinka xiran ee soo gala degmada.

Saraakiisha ayaa dhankooda ballan qaaday in ay gargaar u fidinayaan shacabka tabaaleysan iyo in ay furayaan wadooyinka ay xireen xarakada Al-shabaab