U bood dhigaalka

Wafdi ka socda QM oo maanta gaaray Jowhar

Sheeko:War
Muuqaalka sare ee degmada Jowhar
Muuqaalka sare ee degmada Jowhar

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe gaaray wafdi ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo u tagay ogaanshaha xaalada nolosha Degmadaasi.

Wafdigaan ayaa waxa ay ka kala socdaan Hay’adaha UNICEF iyo UNDP, waxaana masuuliyiinta wafdigaan hogaaminaya ay shir ay la qaateen masuuliyiinta maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Siyaasada Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdule oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xubnaha Hay’adahan ka socda iminka shirar ay la leeyihiin ma’suuliyiinta Gobalka.

Masuulkan ayaa ku sheegay Ujeedada safarkooda inay tahay, maadaama dhawaan Gobalka caruur ay ugu geeriyoodeen shuban biyood in Maamulka ay kala shiraan arrimahaasi, islamarkaana ay isla meel dhigaan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka shubankaasi.

Yuusuf Cabdi Cabdule, ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiintaan ka socda Labada hay’adood ay eegayaan dhismooyinka xarunta Maamulka Gobalka, islamarkaana dhawaan ay qalabeyn doonaan.

Dhinaca kale, Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ay  ammaanka iska kaashanaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Hay’adaha gargaarka ee QM ayaa mashaariic kala duwan ka fuliya gobollada dalka ee ay gacanta ku hayso dowladda federalka Soomaaliya.