Wafdi Ka Socda UK Oo Kismaayo Gaaray

Wafdi ay hoggaaminayso safiirka Ingariiska ee Soomaaliya gabadha lagu magacaabo Ms Harriet Mathews ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Wafdigani waxaa kamid ah oo ku jira xubno ka tirsan Qaramada Madoobe waxaana loo galbiyay madaxtooyada maamulka Jubbaland ee Kismaayo.

Sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog News ee Kismaayo waxaa aqalka madaxtooyada ka soconaya kulan ballaaran oo u dhaxeeya wafdiga safiirka Ingariiska ay hoggaaminayso Ms Harriet Mathews iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulamadani ayaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya sida doorashooyinka iyo arrimaha qaxootiga.

Shirka ka socda madaxtooyada Kismaayo oo ay leeyihiin safiirka Ingariiska iyo madaxweynaha Jubbaland oo ah mid albaabada u xiran ayaa weli ka socda halkaasi.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW