U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Jubbaland Oo La Kulmay Horjoogayaasha Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda maamulka Jubbaland islamarkaana uu hoggaaaminayo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Warsame Darwiish ayaa gaarey xeryaha Dhadhaab, halkaasi oo ay kula kulmeen horjoogayaasha xeryahaasi.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen wafdigan iyo horjoogayaashan ayaa kamid ahaa sidii qaxootiga Soomaaaliyeed ee ku sugan halkaasi ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen iyo maamulka Jubbaland kaalinta uu ka qaadan doono soo dhoweynta dadkaasi.

Horjoogayaasha xeryaha Dhadhaab ayaa u sheegay wafdigan in mar walbo ay jecelyihiin in dalkooda kusoo laabtaan, balse ay doonayaa iney helaan daryeel wanaagsan.

Wasiir Darwiish oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid lagu soo qasabo imaanshiyaha dalka, islamarkaana cid walbo oo raali ah oo kaliya lasoo celin doono.

“Jubbaland wax faa’ido ah kuma qabto in idinka la idiin soo celiyo, laakiinse waxaan idiin sheegeynaa in dalkiina ay tahay meesha la idiin soo wado, haddii aad si iskiin ah ku timaadaan mar walbo diyaar baan idiin nahay inaan idin soo dhoweyno, mid kale ogaada cid idin soo qasbi karto ma jirto” ayuu yiri Wasiirka.

Xeryaha Dhadhaab waxaa ku sugan qaxooti badan oo Soomaaliyeed, waxaana jira boqolaal kamid ah qaxootigaasi oo dib ugu soo laabtey dalkooda.

Goobjoog News