U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobey oo Gaaray Jowhar

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha  Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxuu xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminaayay ku -xigeenka Ergayga gaarka ah iyo arrimaha Aadana u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminaysay oo maanta gaaray magaalada Jowhar.
Wafdiga Madaxweynaha uu qaabilay waxaa kamid ahaa wakiilka hay’adda FAO, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Haweenka ‘ iyo madaxa xafiika UNSOM ee Hirshabeelle. Kulanka ayaa waxa uu ahaa is xogwareysi ku saabsan arrimaha bini’aadanimo, amni iyo arrimaha horumarineed ee deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Waxaa sidoo kale dhacay kulamo gaar gaar ah oo qaarkamid ah madaxda Qaramada Midoobey la yeesheen Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin oo ay ka mid tahay wasaaradda gargaarka, waxaaxilligaan deegaannada Hirshabeelle ka jirta Abaaro baahsan, taas oo dadka iyo duunyada saamaysay, xilli wabiga uu biyo la’aan noqday.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugala hadlay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya sida looga jawaabi lahaa xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan,barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.
Goobjoog News