U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobey oo Maanta Gaaray Somaliland

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday hay’adda UNCDF oo u qaabilsan adduunka horumarinta dhaqaalaha ee dawladda hoose oo uu hoggaaminayey David Jackson oo ah agaasimaha guud ee 39-ka dawladdood ee ka soo koraya dhinaca dhaqaalaha.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay horumarinta dawladdaha Hoose ee JPLG-ga, waxaanu madaxweyne ku xigeenka Somaliland warbixin ka siiyey madaxa weftiga halka uu marayo horumarinta dhaqaalaha dawladdaha hoose ee Somaliland oo ay taageerto hay’addani, isagoo uga mahadceliyey doorka hay’addaha UN-ku ay ka qaataan ka midho dhalinta barnaamijka JPLG guud ahaan iyo khaasatan doorka horumarinta dhaqaalaha ee ay hay’adda UNCDF ay ka taageerto Dawladdaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Iyadoo aad loogu lafo-guray balaadhinta barnaamijkan si loo wada gaadho degmo doorashooyinka dalka mustaqbalka iyo sidii fiiro gaara loo siin lahaa caasimada dalka, waxaanu madaxweyne ku xigeenku u caddeeyey masuuliyiintaasi in qaybtii kaga aadanayd dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dhinaceeda bixisay, gobolada bariggana ay ka bilowday barnaamijka JPLG.

Ugu danbayntii waxa la isla qaatay in xukuumadda iyo hay’adda UNCDF ay si wada jira uga wada hawlgalaan kobcinta dhaqaale ee lagu horumarinayo barnaamijkan dawladaha hoose.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey kulanka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska JPLG-ga u qaabilsan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Dhinaca weftiga UNCDF-na waxa ku wehelinaayey agaasimaha UNCDF, Dmitry Pozhidaev oo ah masuulka xafiiska geeska Afrika u qaabilsan hay’adda, Anka Kitunzi oo u qaabilsan Xidhiidhka hay’adda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo masuuliyiinta xafiiska Somaliland ay ku leedahay Hay’addu.

Goobjoog News