U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Oo Gaaray Magaalada Baladweyne (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaladweyneMagaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi ka socday wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya, kuwaa oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne.

Wafdigaan oo ka kooban Shan xubin ayaa waxaa hogaaminaysay Agaasimaha Hormarinta dowlad wanaaga Wasaarada Arimaha gudaha Canab Axmed Ciise, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobalka Hiiraan.

Wafdigaan ayaa xarunta gobalka kulan ay kula qaateen Mas’uuliyiinta Hiiraan ayaa kulankooda ka dib, waxa ay faah faahin ka bixiyeen uljeedka ay u tageen magaaladaasi.

Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi ayaa ugu horeyn sheegay in wafdigaan ay soo dhaweynayaan, islamarkaana halkaasi ay u tageen sidii ay ula socon lahaayeen Siminaar maalintii Afaraad ka socda Magaaladaasi, kaa oo looga hadlayo aayaha gobalka Hiiraan.

Canab Axmed Ciise oo iyana halkaasi ka hadashay waxay sheegtay in socdaalkooda uu la xiriiro Siminaarkaan, iyo sidii ay u arki lahaayeen xaaladda guud ee magaalada Baladweyne iyada oo hadalkeeda intaa ku dartay in ay ku haminayaan shacabka in la barop dowlad wanaaga waxa ay tahay.

Ugu dambey waxa ugu baaqaday shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan in ay gacmaha is qabsadaan ayna taageeraan dowladnimada, kana shaqeeyaan midnimadooda.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News