U bood dhigaalka

 Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyah Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed  oo ka qeybgalaya shirka golaha dhexe ee shaqaalaha Wadamada Jaamacada Carabta oo lagu qabtay dalka Ciraaq.

Sheeko:Dalka

Wefdi  uu hogaaminayo Gudoomiyah Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cismaan Xaaji ayaa ka qayb galaya    shirka  ururka Shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta, kaas oo  lagu qabtay  magalada Baqdaad ee casimadda dalka Ciraaq.

Shirkaasi    ayaa  waxaa diiradda lagu saaray    dhibaatooyinka haysta  shaqaalaha  Wadamada Jaamacadda Carabta  oo ay kamid tahay isku xir la’aanta ka jirta  shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta, sidii  wax looga qaban lahaa  shaqo la’anta ka jirta Wadamada Jaamacadda Carabta iyo dejinta qorshaha horumarineed ee  sanadka 2016 –ka ee shaqalaaha  Wadamadaasi.

Wafdiga oo ka qeyb galay shirka golaha dhexe Shaqaalaha Jaamacada  carabta ee Baqdaad Intii uu shirka socday gudoomiyaha wuxuu kulama Gaar Gaar ah la qaatay Gudoomiyayaasha Shaqaalaha  Wadmada  Carabta oo ay ka mid ahaayeen:

1- Gudoomiyaha  Shaqaalaha ee dalka Masar oo uu Gudoomiyaha kala hadlay arrimo dhawr ah haba u badnaatee sidii 2da urur wada shaqeyn u dhex mari laheyd Sida:(Taba barada, khibradaha iyo arrimo kale oo dhawr ah, sidoo kale gudoomiyaha Shaqaalaha dalka Masar ayaa dhankiisa soo dhaweysay kulankaas.

2-Gudoomiyaha  ayaa  isna  la kulamay Gudoomiyaha Shaqaalaha  Dalka Ciraaq oo iyaga marti loo ahaa Sida aad ka ah udaneynayaan in ay wada shaqeyn balaaran dhex marto labda urur Shaqaale .

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa Shirkaas kasoo jeediyay khudbad Taabatay meelo fara badan,soona jiidatay quluubta madaxda  Shaqaalaha carbeed ee ka soo qeybgalay shirkaas.

Gaar ahaan Shaqo la’aanta ka jirto Dalkeena iyo baahida loo qabo In dhalinyarada ay helaan Fursado Shaqo isla markaana ka dalbaday Shaqaalaha Carabta in aynu walaalaha nahay in ay ka Saacidaan Hormarinta iyo Tababarka Shaqaalaha  Soomaaliyeed.

Wafdiga Isu Tgaga Shaqaalaha Soomaaliyeed yaa ugu danbeyntii Booqday Safaarada Soomaaliya Ee dalka Ciraaq iyadoo si diiran ay u Soo dhaweysay safiirada Soomaliya ufadhisa  dalka Ciraaq  Kadiilja Maxamed Al makhzuumi iyagoo  wafdiga aad ula dhacay Shaqada Safaarada Soomaaliya u heyso Bulshada Soomaaliyeed  iyo soo dhaweynta fiicaneed ee loo sameeyay wafdiga.

Gudoomiyaha oo ka warbixiyay xaalada Safaarada Soomaaliya ee dalka ciraaq ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in Safaarada soomaliya ee ciraaq kafiicantahay safaarado badan oo ay Soomaliya ku leedahay dalal nabad ah.

Wuxuuna safafiirada ugu hambalyeeyay shaqada wanaagsan ee ummada soomaaliyeed uhayso iyo sida sharta leh ee loogu soo dhaweyay dalka ciraaq “Madhici laheyn in si sharaf leh naloogu soo dhaweeyo Dalka ciraaq hadii aysan Safaarda Soomaliya dhabarka u iradn laheeyn  masuuliyadaan Culus.