U bood dhigaalka

Wafdi Uu Hogaaminayay Madaxa Golaha Amniga Midowga Afrika Oo Muqdisho Yimid, iyo Kulan Ay La Yeesheen Madaxweyne Xasan

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socday midowga Afrika oo uu hogaaminayay Ismaaciil Jarguu (Ismail Cehrgui), oo ah oo ah madaxa golaha Amniga ee Midowga Afrika, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sii hayaha xilka wasiirka gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Danjiraja Soomaaliya u qaabilsan Itoobiya Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale ayaa mas’uulkaan iyo wafdigii la socday si wadajir ah usoo dhaweeyay.

Intaasi ka dib ayaa loo galbiyay dhanka madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo ay arimo badan ka wada hadleen.

Kulan daqiiqado badan qaatay oo madaxweynaha iyo wafdigaan yimid ay wada yeesheen ka dib, waxaa saxaafadda faah faahin ka siiyay waxyaabihii laga wada hadlay Siihayaha xilka wasiirka gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan iyo Madaxa golaha Amniga ee Midowga Afrika Ismaaciil Sharji, waxaana ay sheegeen in laga wada hadlay arimo amaanka ku saabsan iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa is kaashiga ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa AMISOM ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayso isku dhafka ciidamada, gaar ahaan qaramaynta maleeshiyaadka gobolada ku sugan.

Ismaaciil ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in markii ugu horeysay uu yimaado magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in socdaalada sidaan oo kale ah uu magaalada ku imaan doono.

Goobjoog News