U bood dhigaalka

Wafdi uu Hogaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo Gaaray Hobyo+ Sawirro

Sheeko:Amniga

Wafdigan uu  hogaaminayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed oo qeyb ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil, madax dhaqameed iyo ganacsato ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa xusay inay Hobyo u tageen casuumad uu u fidiyay Madaxweynaha Galmudug, lagana wadatashanayo arrimaha horumarinta deegaanka, si loo dhiso gole deegaan.

Madaxwaynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalintii 2-aad Hobyo ku sugan ayaa qaabilay wafdigan, waxaana haatan Hobyo ka socda kulamo looga hadlayo dhismaha golaha deegaanka Degmada iyo sidii lo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

          Goobjoog News