U bood dhigaalka

Wafdi uu hogaaminayo ra'iisal wasaare Cabdiweli oo gaaray Baydhabo

Sheeko:Dalka
Ra'iisal Wasaare Cabdiweli iyo Guddoomiye Jawaari
Ra’iisal Wasaare Cabdiweli iyo Guddoomiye Jawaari

Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu kulan gaar ah la leeyahay guddoomiyaha barlamaanka iyada oo la filayo goor dhow in uu dadka magaalada kula hadlo goob fagaaro ah oo ay ku suganyihiin inta badan shacabkii Baydhabo.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya eek u sugan xarunta gobolka Baay ayaa wada dadaallo xal loogu raadinayo xiisada ka dhalatay maamul u sameynta gobolada koofur galbeed ee dalka.

Baydhabo ayaa waxaa kol hore ka dhacay dibad baxyo lagaga soo hor jeedo in uu booqasho ku tago ra’iisal wasaare Cabdiweli.