U bood dhigaalka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo Howlo Nabadeed u Tagay Kismaayo.

Sheeko:Dalka

Wafdigani oo uu hoggaaminayo wasiirka difaaca Somalia Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin, xildhibaanno baarlamaanka dowladda ka tirsan iyo xubno kale oo horay xilal kaga soo qabtay Jubbooyinka.

Xubnaha siyaasiyiinta ah ee wafdiga wasiirka qeyb ka ah waxaa ka mid ah DR. Cabdi Shire Warsame, Jeneraal Cali Madoobe, Maxamed Cabdi Kaliil iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka Kismaayo ay u gaareen ayaa lagu sheegay ka qeyb galka shir dib u heshiisiineed oo magaaladaasi dhowaan ka furmay kaasoo ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland wax ka tabanaya iyo xubnaha sarsare ee maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jubba Jeneraal Cabdullaahi Fartaag iyo wasiirka gaashaandhigga ayaa si wadajir ah warfidiyeenka kula hadlay garoonka magaalada Kismaayo, ninka hore ayaa sheegay in ay Kismaayo u tageen arrimo la xiriira nabadeyn.