U bood dhigaalka

Wafdi Wasiirro ah oo Gedo u tagay Dib u Heshiisiinta Madoobe iyo Reer Gedo

Sheeko:Amniga

Waxaa arbacadii ka degay Garbahaarey wafdi ka kooban wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed kuwaas oo ra’isul wasaare Rooble u igmaday iney dib u heshiisin ka dhex bilaabaan maamula Axmed Madoobe iyo Gedo, ee Jubbaland.

Arrimaha ay u tageen, waxaa sidoo kale ka mid ah iney saldhigaan magacaabista guddoomiyaha Garbahaarey iyo ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha Garbahaarey Xasan Sheekh Cilmi  iyo Guddoomiyaha Gedo Axmed Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wafdiga muddo dheer la sugayey, ayna xal u helidda arrinta Gedo ay tahay ahmiyad.

Dhankooda wafdiga wasiirrada ayaa sheegay in u tageen arrin guud oo ah in doorasho dhacdo, iyaga oo inataas raaciyey iney niyad wanaag jirto.

Goobjoog News