U bood dhigaalka

Wafdigii Golaha Ammaanka Oo Muqdisho Yimid

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kuwaasi oo kulamo la qaatay madaxda sare ee dowladda Federaalka ah.

Xubnahan ayaa ulajeedka Muqdisho u yimaadeen ah in madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada kala hadlaan arrimo la xiriira doorashooyinka la filayo in sanadkaan ay dhacaan, arrimaha amniga iyo qodobo kale.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayeey la kulmeen, waxaana ay dowladda Federaalka ku amaaneen dadaalka ay ugu jirto in dalka doorasho ay ka dhacdo.

Waxa uu Ra’iisul wasaare ku xigeenka xubnahan warbixin ka siiyey halka ay marayso qabanqaabada iyo dadaalka loogu jiro doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkaan 2016.

Xubnahaan ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobaya ayaa sidoo kale lagu wadaa inay la kulmaan madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada.

Goobjoog News