U bood dhigaalka

Wafdigii Ugu Horeeyay Ee Wasiiradda Arimaha Dibadda IGAD Oo Muqdisho Soo gaaray

Sheeko:Dalka

IGADWaxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soo gaaray wafdigii ugu horeeyay ee wasiiradda arimaha dibadda wadamada ku bahoobay IGAD kuwaa oo maalinta berri ah shir ku yeelan doona magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf  ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyay ee IGAD oo soo bilaabay safarka wasiiradan ku imaan doonaan magaalada Muqdisho, iyadoo si diiran magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyay.

Sii hahaya xilka wasiirka arimaha dibadda dowladda Federaalka iyo xubno kale ayaa kusoo dhaweeyay wafdigaan garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dhanka kale la filayaa in maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho wasiiro kale oo ka kala imaan doona Itoobiya, Uganda, Sudan, Koonfurta Sudan iyo wadamo kale, si ay uga qeyb galaan shirka berito uga furmaya magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradahada Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta laga dareemayaa mashquul aad u badan, iyadoo halkaasi ay mas’uuliyiin ku sugan yihiin, si loo soo dhaweeyo wasiirada imaanaya.

Dhanka kale amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo muddo badan ka dib shirkaan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee magaalada Muqdisho lagu qabto.

Shirka Wasiiradda arimaha dibadda IGAD ayaa ah shir Hal maalin socon doona, waxaana looga hadli doonaa arimo badan oo amaanka qeyb ka yahay, waxaana furi doona madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjoog News