U bood dhigaalka

Wafdigii Uu Hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Cadaado

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud , halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka maamulka Galmudug ee bartamaha dalka.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole (Golaha Wasiirrada, Baarlamanka) iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado ku soo dhoweeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabadda caleema saarka madaxda Galmudug ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Maamulka Galmudug oo ka mid ah maamullada ku meel gaarka ah ee qeybta ka ah barnaamijka baahinta xukunka dalka, ayaa waxaa si rasmi ah dhismihiisa loo soo dhammeystirey horaantii bishan, markaas oo la soo doortey Madaxweyne iyo Madaxweyne ku Xigeen.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada